Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda ka shaqeysa sarifka lacagaha qalaad ee Bureau De Change ee kajirta caasimada Nigeria ee Abuja ayaa joojisay hawlaheedii muddo aan la cayimin taas oo ka dhalatay dollar yarida halkaa ka jirta.
Dadka Nigeria waxay ku tiirsan yihiin lacagta Mareykanka si ay u fuliyaan macaamil maaliyadeed oo caalami ah.
Abdulahi Dauran, oo ah guddoomiyaha ururka, ayaa BBC-da u sheegay in ay qaateen go’aanka ay ku muujinayaan dadka reer Nigeria in ay ka walaacsan yihiin dollar-yarida, taas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kuwa cryptocurrency iyo kuwa online-ka ah.
Bangiga ugu sarreeya ayaa ku amray bangiyada inay iibiyaan saamigooda dollar-ka xad-dhaafka ah ugu dambayn Febraayo 1, 2024.
Waxa ay sidoo kale uga digeen bixiyeyaasha in ay kaydsadaan lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah si ay faa’iido ugu helaan.