RASMI: Baahinta Wareegga Shanaad Ee FA Cup Oo La Shaaciyey Iyo Taageereyaal Cadhaysan

0
113

Baladweyne (Radio Beerlula)-Taageereyaasha kubadda cagta ayaa gadood ka muujiyey, kuna tilmaamay wax aan la aqbali karaynin isku-aadka iyo baahinta tartanka FA Cup wareeggiisa shanaad, kaas oo sababay in la adeegsado sharciga ay aad u yar yihiin dadka garanaya.

Wareegga shanaad oo ay iskugu soo hadheen 16 kooxood, ayaa siddeedda ciyaarood ee uu ka kooban yahay waxa la dheeli doonaa maalmaha u dhexeeya Isniinta illaa Arbacada oo ku beegnaanaya February 26 illaa 28.

Kooxda heerka lixaad ee Maidstone oo la ciyaari doonta Conventry iyo Sheffield Wednesday midkooda soo gudba habeenka Isniitna ee February 26, ayaa laga dhigay ciyaarta kaliya ee guud ahaan Ingiriisku ay daawan doonaan habeekaas, waxaanay arrintan wax aan la qaadan karaynin ku tilmaamay jamaahiirta kubadda cagta.

Maidstone oo si lama filaan ah ku timid wareegga shanaad, waxa ciyaarteeda oo laga baahin doono telefishanka ITV 4, ay noqotay kulanka falcelinta ugu badan laga sameeyey, waxayse cadho ka muuqataa qaar ka mid ah taageereyaasheeda oo sheegay inay ku qasbanaan doonaan inay shaqooyinka fasax kasoo qaataan maadaama ay Isniin la dheelayo.

Hahlkan kaga bogo jadwalka iyo waqtiga la dheelayo kulamada wareegga 5aad ee FA Cup

  • Coventry/Sheffield Wed vs Maidstone – 7.45pm – Feb 26 – ITV 4
  • Bournemouth vs Leicester, – 7.30pm – Feb 27 – BBC iPlayer
  • Blackburn vs Newcastle – 7.45pm – s Feb 27 – BBC1
  • Luton vs Man City – 8pm -Feb 27 – ITV1
  • Wolves vs Brighton – 7.45pm – Feb 28 – BBC iPlayer
  • Nottm Forest/Bristol City v Man Utd – 7.45pm – Feb 28 -BBC1
  • Liverpool v Watford/Southampton – 8pm -Feb 28 – ITV1
  • Aston Villa/Chelsea vs PlymouthLeeds – – Feb 28 – ITV4

NB: Dhamaan waqtiga ciyaarahan ee sare ku xusan waa GMT.