Cagaf cagafyo lagu wareejiyay Iskaashatada beeraleyda gobolka shabeellaha Dhexe.

0
88

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Beeraha maamulka Hirshabelle ayaa magaalada Jowhar Cagafyo loogu talagalay wax soosaarka beeraha kuwareejisay mas’uuliyiin ka socotay iskaashatada beeraleyda gobalka Shabellada Dhexe.

Munaasabadan lagu wareejinayey agabkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno katirsan maamulka Magaalada Jowhar, Iskaashatada Beeraleyda Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo qaar kamid ah bulshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.