Arsenal oo garaacday Liverpool

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 3-1 ku karbaashtay Liverpool oo ay kasoo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay Reds ku socotay, iyadoo farqtiga dhibcaha laga horreeyana kusoo koobtay laba kaliya.

Arsenal ayaa bilowgii ciyaartaba muujisay inay guuleysanayso markii ay guuleysanayso, iyadoo afar gool oo ka dhashay garoonka ay intaba dhaliyeen ciyaartoyda Arsenal oo saddex ku hubsaday shabaqa Liverpool, midna goolkooda ku leexiyey kubadda.

Liverpool oo ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartoy markii casaan laga siiyey difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo laba kaadh oo digniin ah qaatay intii ay ciyaartu socotay.

Bukayo Saka ayaa gool qurux badan ku furay ciyaarta, kaddib markii kubbad ay 17 ciyaartoy oo Arsenal ah isku dhiibeen uu xerada ganaaxa la yimid Kai Havertz oo uu ka badbaadiyey Alisson Becker, balse ay kubaddu u tagtay Bukayo Saka oo hal taabasho ku dhamaystiray.

Arsenal ayaa heshay fursado badan oo kale oo qaybta horeba ay ku dili karayeen, hase yeeshee Liverpool ayaa iyagana uu laba jeer kubbado ka lumiyey Cody Gakpo.

Dhamaadka qaybta oo ay ka hadhsan tahay laba daqiiqadood ayuu Gabriel Magalhaes iska dhaliyey gool ay Liverpool si weyn ugu dabbaal-degtay oo ay u qaateen inay kusoo laaban doonaan, isla markaana libin ku heli doonaan, waxaana lagu kala nastay 1-1.

Saddex beddel oo uu sameeyey Jurgen Klopp ayaa adhaxda ka jabiyey kooxdiisa, isla markaana sababay in ay Arsenal libinta gacanta ku dhigto, waxaana ay awoodi waayeen in beddelladu ay buuxiyaan boosaska ay ka baxeen Alexander-Arnold, Gravenberch iyo Gakpo oo ka baxay ciyaarta.

Xiddigaha soo galay ee Harvey Elliott, Darwin Nunez iyo Andy Robertson ayaan qabsanin shaqadii difaaca iyo hal-abuurka, waxaana Arsenal ay ka faa’iidasatay kala daadsanaanta Liverpool.

Qalad xun oo ay sameeyeen Van Dijk iyo Alisson Becker ayaa Arsenal hadiyad u siiyey goolka labaad iyadoo kubbad ay iska saari waayeen oo uu goolhayaha Brazil lugta la waayey uu ka dhax-qaatay Kai Havertz oo goolka oo cidlo ah ku toogtay.

Liverpool ayaa casaan lagaga saaray Ibrahima Konate daqiiqaddii 88aad markaas oo uu qalad ku galay Kai Havertz, isla markaana qaatay kaadhkii labaad ee digniin ah.

Leandro Trossard oo beddel kusoo galay ayaa kubbad uu kasoo qaatay garabka bidix, waxa uu ula tegay goolhaye Alisson oo uu kubadda ka dhax-saaray labadiisa lugood, waxaanay sidaas ciyaartu ugu soo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Arsenal.