Kulan looga hadlayay arimaha Musiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

0
42

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah ismarkaana loogu Hadlaayay sidii la isaga kaashan lahaa qabashada qiimaynta waxyeellada Masiibadii ElNino ee ka dhacday dalka iyo dardargalinta qiimayntan ka hor xili roobaadka Gu’a ee foodda nagu soo haayo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay farsamo yaqaanno ka kala socday Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Howlahaguud, Dib u dhiska iyo Guryanta, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Machadka Qaran ee Caafimaadka.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweys isaaq