Aabo 60 sano jir ah oo ku nool Muqdisho oo muddo hal sano ah ku xiftiyay qur’aanka kariimka.

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xuseen Cismaan Maxamed waa aabo 60 sano jir islamarkana ku nool magaalada Muqdisho, wuxuu muddo hal sano ah ku xifdiyay qur’aanka kariimka isagoo ka baxay machadka Tartiil.

Munaasabad isaga iyo ardey kale ay ku qalin jabinayeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxana ka qeyb galay maamulka machadka, waalidiin, ardeyda qalin jabisay iyo culumaaudiin.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen