Aas aaska ciidamada qaranka Jabuuti oo laga xusay Baladweyne.

0
247

Baladweyne (Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabal degayay sannad guuradii 46-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada xoogga dalka Jabuuti 6-dii June sannadkii 1977-dii ayaa lagu qabtay xerada ciidamada ATMIS ee deegaanka ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal sagaal Col Xumad Axmed Maxamed, taliyaha qeybta afaraad ee ATMIS Col Xassan Jaamac, ku xigeenkiisa, xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baladweyne, xubno ka socda qaramada midoobay, booliska ATMIS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.