Aas aaska ciidamada xoogga dalka oo looga dabal degay Baladweyne.

0
501
Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabal degayay 59 sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada xoogga dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kuwa AMISOM , waxgarad, maamulka heer gobolka iyo degmo ee gobolka Hiiraan iyo xubno ka socda ururada bulshada rayida ayaa ka qeyb galay munaasabadda.
Ciidamada xoogga dalka ayaa goobta munaasabadda ku soo bandhigay dhoolatus milatari.
Taliyaha guutada 22 ee ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad  Korneel Maxamuud Xassan Ibraahim Baakay iyo  Col Maxamed Ibraahim Muuse taliyaha qeybta afaraad ee AMISOM ayaa si wada jir ah hambalyo ugu diray ciidamada xoogga dalka.

Ururada bulshada rayida, xubno ka tirsan maamulka degmada Baladweyne, kan gobolka Hiiraan iyo waxgaradka ka qeyb galay munaasabadda ayaa ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan ku amaanay sida ay markasta ugu taagan yihiin difaaca dadkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here