Abaalmarino la guddoonsiyay ardey kaalmaha hore ka galay tartan qur’aanka kariimka oo lagu qabtay Muqdisho

0
61

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magalaada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munaasabad abaalmarino lagu guddoonsinayay ardeyda kaalmaha hore ka galay tartan qur’aanka kariimka oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al Siraaj.

Tartankan oo socday muddo 7 maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay 100 ardey oo iskugu jira wiilal iyo gabdho kuwaasoo kala socday 40 dugsi oo ka mid ah kuwa hoos taga Mu’asasada Al Siraaj ee magaalada Muqdisho.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.