Abaar laga cabsi qabo inay ku dhufato dalalka bariga Afrika.

0
160

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado qalleyn ah oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025.

Xaruntan ayaa Saadaasheeda ay toddobaadkan soo saartay, ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaarta.

Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka.

Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro.

Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay.

In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo sababo la xiriira dagaallo iyo musiibooyinka cimilada, sida warbixin ay soo saareen ku sheegeen Ururka Cunnada iyo Beeraha QM iyo IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here