Abiy Axmed oo ku guuleystay billadda nabadda

0
284

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda abaalmarinta nabadda, sida uu shacaiyaya guddiga bixiya abaalmarintaasi oo fadhigiisu yahay Norway.

Magaalada oslo ayaa lagu guddoonsiin doonaa abaalmarintan bisha Desembar. Waa qofkii boqolaad ee ku guuleysta abaalmarintan oo lacag ahaan u dhiganta $900,000.

Waxaa u tartantay 223 qof iyo 78 hay’adood.

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here