Abiy Axmed oo ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa in ay bartaan luqadda Carabiga

0
69

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay bartaan luqadda Carabiga, taas oo uu sheegay inuu dalban doono in lagu dhigo dugsiyada dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena rajo ka muujiyay in Itoobiya ay ku biirto ururka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray kulan uu la qaatay madaxda Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, wuxuu yiri, “In Muslimiinta Itoobiya laga dhigo, in ay yihiin muwaadiniin dabaqad labaad ah waa arrin duugoowday.” isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay u aragto dhammaan dadka Itoobiyaanka ah in ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq siman. iyo waajibaadka, iyada oon loo eegin diintooda.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku sii socoto wadadii dib u habeynta ee dowlad cilmaani ah, iyada oo diimaha oo dhan ay iskugu mid yihiin, isla markaana siinaysa xuquuqdooda.