Adeegyada tareenada Faransiiska oo la joojiyay.

0
77

Baladweyne (Radio Beerlula)- Saddex ka mid ah 10 ka tareen ee xawaaraha dheereeya ee Faransiiska ayaa shaqada joojiyay  Sabtida maantay ah, kadib markii waddooyinka tareenada loo geeystay weerarro is-daba-joog ah.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Gabriel Attal ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadeen raadinta “kuwa qas-wadayaasha ah” ee ka mas’uulka ah ka dib markii shabakadaha tareenada la cuuryaamiyay ka hor furitaanka ciyaaraha Olombikada.

Wasiirka gaadiidka ee Faransiiska ayaa sheegay in adeegyadu caadi ku soo laaban doonaan subaxa Isniinta.

SNCF waxay qiyaastay in ilaa 250,000 oo rakaab ah ay saamaysay Jimcihii, halka wasiirka gaadiidka Patrice Vergriete uu sheegay in ilaa 800,000 ay saameyn ku yeelan karto saddex maalmood gudahood.

Eurostar – oo maamusha adeegyada caalamiga ah ee London ilaa Paris oo adeegsada khadka dheereeya gudaha Faransiiska – ayaa sheegtay in mid ka mid ah afartii tareenna aanu shaqeyn doonin dhammaadka toddobaadka.