Afar Mashruuc oo laga dhgaxdhigay magaalada Gabiley

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)- Duqa magaalada Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay afar mashruuc oo laga fulinayo Gabiley Iyo deegaanadda hoos yimaada, kuwaasoo kala ah balaarinta iyo dayactir lagu samayn doono saldhiga dhexe ee Gabiley, dayactir lagu samayn doono dugsiyadda Qalax, Waalid Xoor Iyo Boqor.

Dhagax dhiga mashaariicdan horumarineed ee laga fulinayo magaalada Gabiley iyo deegannada hoos taga ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan booliska Somaliland, iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Gabiley.

Warbixintan waxa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey