Afar xarumood oo caafimaad oo laga hirgeliyay deeganno ka tirsan Gabiley oo xariga laga jaray.

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee Waasaadda Horumarinta Cafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa xariga ka jaray afar xarumood oo Caafimaad oo saddex ka mida ay dowladda hoose degmada Gabiley ka hirgalisay Deegaanadda Godka carada, Goray Iyo Galoolay, halka xarunta Afaraadna uu Ganacsade Jaamac Omaar ka hirgaliyay Deegaanka Gees-dheere.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarumahan caafimaad ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magaalada Gabiley, golaha deegaanka Gabiley, bahda caafimaadka, odayaal dhaqameed iyo maamullada deegannada laga hirgeliyay xarumahan caafimaad.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saney