Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir oo daah furay talaalka cudurka dabeysha.

0
116

Baladweyne (Radio Beerlula)-Agaasimaha guud ee agaasinka caafimaadka gobalka Banaadir DR Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta xarunta caafimaadka ee degmada Xamar jajab ka daah furay talaalka cudurka dabeysha ee caruurta ka yar afarta sano , waxana uu socon doonaa muddo afar maalin ah si ay uga faaiidaystaan caruurta

Munaasbadda lagu daah furayay talaalka dabeysha ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiinta caafimaadka gobalka Banaadir, maamulka degmada xamar jajab hooyooyin iyo caruurta laga talaalayo qatarta uu leeyahya cudurka dabeysha.

Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.