Agab isboortis oo lagu wareejiyay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

0
186

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada talyaaniga ee ku sugan Muqdisho qeybta arimaha bulshada ayaa qalab ciyaaro oo ka kooban kan kubadda cagta iyo koleyga ku wareejiyay maamulka degmada wadajir si loo hormariyo laguna dhiiri giliyo dhalLinyarada kubadda cagta degmada.

Madaxa horumarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir Daauud Maxamad Axmad ayaa bogaadiyay sida ay ciidamada talyaaniga qeybta arimaha bulshada u garab taaganyihiin dhallinyarada gobolka Banaadir.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.