Alphonso Davies oo Ka Hor Istaagay in Superstar Ka Tirsan Bayern Ku Biiro Arsenal

0
193

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Go’aanka Alphonso Davies qandaraaska ugu kordhiyay Bayern Munich maaha war u xun oo kaliya Manchester United iyo Real Madrid, kuwaas oo doonayay inay la soo wareegaan daafaca bidix xagaaga.

Ka dib in ka badan hal sano oo wadahadal ah, Davies ayaa ugu dambeyntii soo afjaray shakiga mustaqbalkiisa isagoo u saxiixay qandaraas cusub oo ilaa 2030 Bayern Munich.

Laakiin heshiiskaan waa war sidoo kale saameyn ku yeeshay Arsenal, sida laga soo xigtay Daily Mirror.

The Mirror ayaa warineysa in saaxiibkiis Davies ee Bayern Jamal Musiala uu bartilmaameed sare u ahaa Arsenal horaantii xagaagan.

Qandaraaska Musiala ee Bayern wuxuu dhacayaa 2026, waxaana jirtay cabsi la mid ah inuu ka tagi karo kooxda si lamid ah Davies.

Laakiin qandaraas kordhinta uu sameeyay Davies ayaa ka dhigeysa hadda in Musiala uu sidoo kale qalinka ku duugi doono isna heshiis cusub.

Davies iyo Musiala ayaa ah saaxiibo aad isugu dhow oo midba midka kale uu ixtiraamo, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka uu doonayaa inuu sii wato xirfaddiisa Bayern si uu kaga garab ciyaaro saaxiibkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here