Amad Diallo oo baaqi ku sii ahaan doona Kooxda Manchester United kaddib markii

0
474

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahan Amad Diallo oo lagu waday inuu ka tago Manchester United suuqa xagaagan ayaa la soo warinayaa inuu baaqi ku sii ahaan doono Kooxdiisa kaddib markii uu soo gaaray dhaawac bowdada ah.

Manchester United ayaa xaqiijisay in Amad uu dhaawac muruqa bowdada ahi uu ku soo gaaray tababarka, isla markaana ay u badan tahay inuu garoommada ka maqnaan doono lix todobaad.

Nasiib-darro, arrintan ayaa dhacday wax yar ka hor inta uusan qorshaysan inuu amaah ugu dhaqaaqo Kooxda Feyenoord.

Amad waxa uu sii joogi doonaa Kooxdiisa Man United, wuxuuna ka shaqeyn doonaa sidii uu dib ugu soo laaban lahaa taam ahaanshihiisa buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here