Amal Bank oo xarun ka furatay Baladweyne.

0
540

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid lagu daah furayay xarunta Amal Bank  ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, maamulka Amal Bank, odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada,  caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Maamulaha Amal Bank ee magaalada Baladweyne Maxamed Sheekh Cali iyo xubno ka socday Amal Bank oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’ideystan adeegyada uu bixin doono bangiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin maalgalinta ganacsatada yaryarka iyo dhigashada lacagaha.

Bahda waxbarashada, caafimaadka, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka oo hadalo ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay Amal Bank iyagoo dalbaday in shirkadda ka howlgala magaalada Baladweyne ay ka qeyb qaatan horumarinta magaalada, sida dhismaha iyo caawinta dadka dhibaateysan.

Gudoomiyaha guud  Amal Bank   Eng Maxamed Cabdi Maxamed  ayaa sheegay in Amal Bank uu kaalin ka qaadan doono horumarka magaalada Baladweyne.

Guddoomiye ku xigeenka  siyaasadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Cabdulle ayaa bogaadiyay  daah furka Amal Bank.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here