Amiiradda Wales ee Ingiriiska oo kansar laga helay

0
85

Baladweyne(Radio Beerlula)-Amiiradda Wales ayaa sheegtay in ay ku jirto marxaladaha hore ee daawaynta ka dib markii kansar laga helay baadhitaano laga qaaday.

 

Bayaan muuqaal ah, Catherine waxay ku sheegtay in ay ahayd “naxdin weyn” ka dib “laba bilood oo aad u adag”.

 

Laakiin waxay dirtay farriin togan, iyadoo leh: “Waan roonahay oo waan sii xoogaysanayaa maalin kasta.”

 

Faahfaahinta kansarka lama shaacin, laakiin Kensington Palace ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay in amiiraddu ay si buuxda u bogsan doonto.

 

Hadalka amiirada ayaa sharaxaya in markii qaliin caloosha lagu sameeyay bishii Janaayo, aan la ogeyn inuu jiro wax kansar ah.

 

“Si kastaba ha ahaatee baaritaanno la sameeyay ka dib qaliinka ayaa lagu ogaaday inuu jiro kansar. Sidaa darteed kooxdayda caafimaadka waxay igula taliyeen inaan maro koorsada daaweynta kemotherabi ee ka hortagga ah, waxaana hadda ku jiraa marxaladii hore ee daaweynta,” ayay tiri amiirad.