Ancelotti Oo Loo Xaqiijiyay Tababaraha Cusub Ee Brazil & Wakhtiga Uu Qabanayo

0
71

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xulka South American-ka ah ayaan macalin rasmi ah haysan tan iyo markii uu Tite iska casilay kaddib fashilkii Koobka Aduunka oo ay wareegii siddeed dhammaadka kaga hadheen.

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa ku dhawaaqay in tababaraha kooxda Fluminese ee Fernando Diniz si kumeel-gaadh ah usii qaban doono shaqada xulka.

Ancelotti ayaa isagu dhammaysan doona xilli ciyaareedka uga hadhsan qandaraaskiisa Real Madrid kaddibna June 2024 la wareegi doona shaqada xulka Samba.

Ancelotti oo hoggaamin doona Brazil Copa America 2024 ayaa noqon doono ajaanibkii ugu horreeyay ee dalkaas macalin u noqda in ka badan 60 sano.

Tababaraha kumeel-gaadhka ah ee Brazil ee Diniz ayaa hoggaamin doona xulkaas lixda kulan ee xulalka South America ugu soo kala baxayaan Koobka Aduunka 2026 ee sanadkan qabsoomaya oo ay kamid yihiin ciyaaraha Argentina iyo Uruguay.