Ancelotti oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka ElClásico ee Barcelona

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid uga qeyb galaya kulan ay maanta ku soo dhaweyn doonaan Barcelona garoonka Santiago Bernabéu, kaasoo qeyb ah kulammada horyaalka La Liga.

Liiskan lagu dhawaaqay ee magacayada xiddigaha kooxda Real Madrid ugu qeyb galaya kulanka ElClásico waxaa ka maqan xiddigaha Dani Ceballos iyo Thibaut Courtois, laakiin warka u wanaagsan Los Blancos ayaa ah inuu tababare Ancelotti heli karo dhammaan xiddigihiisa kale ee muhiimka ah.

Waxaana dhanaka weerarka ku soo wada baxay oo dhammaantood la heli karaa adeegooda kulanka bari ee Barcelona xiddigaha kala ah, Karim Benzema, Eden Hazard, Vinícius Júnior iyo Rodrygo.

Image