Andre Onana Oo Ka Tegaya Manchester United Oo Ay Khaati Kala Taagan Yihiin

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa doonaysa in ay dib ula wareegto goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana oo xagaagii ay £47 milyan oo Gini kaga iibiyaan Manchester United oo uu ku fashilmay, isla markaana canaan badan loogu jeedinayo.

 

Madaxweynaha Inter Milan Giuseppe Moratta ayaa sheegay, in kooxdiisu ay qorshaynayso in ay dib usoo ceshato goolhaye Onana, inkasta oo uu muddo kooban kasii maqan yahay.

 

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa xagaagii dalbaday Onana oo uu hore ugu soo layliyey Ajax, waxaana uu fasaxay David de Gea, si uu waddada ugu xaadho Onana, hase yeeshee 27 jirkan ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado horyaalka Premier League oo uu ka sameeyey qaladaad badan oo sababay in goolal laga dhaliyo.

 

Ten Hag ayaa wali ku adkaysanaya in uu difaacayo Onana oo uu dib u heli doono qaab-ciyaareedkiisa, hase yeeshee shalay ayaa waxa soo baxay warka sheegaya in ay suurtogal tahay in uu lumiyo booskiisa goolhayaha koowaad ee Man United kulamada soo socda.

 

Ten Hag ayaa haysta goolhayaha reer Turkey ee Altay Bayindir oo maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii, waxaana la sheegayaa in Onana la siin doono fursaddii ugu dambaysay ee uu ku ilaashanayo booskiisa, haddii kalena uu Altay Bayindir noqon doono goolhayaha koowaad ee kooxda.

 

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Inter Milan oo ka hadlayey xafladdii sannadka ee Gazzetta dello Sport Festival, ayaa sheegay in Nerazzurri ay ka fikirayso inay dib usoo ceshato goolhaye Andre Onana.

 

Inter Milan ayaa waxa ay hore ula soo wareegtay Yann Sommer oo ay kasoo qaadatay Bayern Munich, waxaana 34 jirkan uu si fiican ula bilowday naadigiisa cusub.