App ay iska diwangelin karan dadka sharci la’aanta si uga baxan Mareykanka oo la soo bandhigay.

0
195

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Trump ayaa soo bandhigay app lagu magacaabo CBP Home, App-kan cusub ayaa loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo dadka aan sharciga haysan inay si iskood ah iskaga baxaan Mareykanka.

App-kan ayaa u oggolaanayaa dadka inay is-diiwaangeliyaan oo ay xaqiijiyaan bixitaankooda, iyagoo ka fogaanaya in si qasab ah loo masaafuriyo.

Maamulka Trump ayaa sheegay in kuwa si iskood ah u baxa ay fursad u heli karaan inay mustaqbalka sharci ku soo laabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa waxay uga digayaan dadka in ay raadsadaan talo sharci ka hor inta aysan isticmaalin app-kan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here