Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ka Daah furtey Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta ee KGS .
Waxa ka qeybgalay Aqoon-is-weydaarsiga wasiirka Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka maamulka Koonfur Galbeed Shamso Maxamed Yarow agaasimaha guud wasaaradda Haweenka maamulka Koonfur Galbeed Madiina Axmed Nuur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.
Audio Player


