Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta kasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Aqoon-is-weydaarsiga, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyo qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen


