Aqoon isweydarsi ku saabsan hanaanka qorshaha qaran xadgubadyada iyo rabshadaha oo lagu qabtay Baladweyne

0
242

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Hirshabeelle, xildhibaan Xaliimo Cali Siciid ayaa  magaalada Baladweyne ka daah furtay aqoon isweydarsi ku saabsan hanaanka qorshaha qaran ee joojinta xadgubayada iyo rabshadaha kaasoo socon doona muddo labo maalmood ah.

Aqoon isweydarsigan ayaa waxaa ka qeyb galaya  xubno kala socda bulshada rayidka magaalada Baladweyne.

Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka Hirshabeelle Deeqa Isaaq Xassan iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte ayaa ka qeyb galayasha ku booriyay inay ka faa’ideystan.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda haweenka Hirshabeelle Xaliimo Cali Saciid oo si rasmi ah u daah furtay aqoon isweydarsigan ayaa kula dardarantay xubnaha ka qeyb galaya waxyabaha ay ka faa’idan aysan meesha uga tagin.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here