Baledweyne ( Radio Beerlula )-Inkabadan 15 Arday oo baratay Culuumta Shareecada Islaamka islamarkaana ka aflaxday Machadka Shariif ayaa munaasabad qalin jabin loogu qabtay Magaalada Baydhabo.
Munaasabada lagu maamuusayay ardaydaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Maamulka Machadka,Culimo udiin , Waalidiin, Dhallinyaro, Bahda waxbarashada iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.