Arday baratay xirfadda farsamada gacanta oo munaasabad loogu qabtay Hargeysa

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 497 ardey oo iskugu jira wiilal iyo gabdho islamarkana bartay xirfadda farsamada gacanta sida Harqaanka, korontada, qurxinta Haweenka, iyo cilad bixinta Baabuurta.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda Concern Worldwide iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland, waxana maalgaliyay midowga yurub, waxana munaasabadan ka qeyb galay qaar kamid ah mas’uuliyiin katirsan maamulka Somaliland , xubno ka tirsan hay’addaha gacanta ka geystay tababarkan iyo marti sharaf kale.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.