Arday Mareykan ah oo maalin gudaheeda 5 mar wadnaha istigaay

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Atul Rao, oo 21 jir ah, ayaa waxaa uu la dhibaatooday wadno xanuun 27-kii July, waxaana la sheegay in ay sabab u ahayd xinjirowga dhiigga ee sambabada.

Kadib wadnihiisa ayaa istaagay shan jeer hal maalin gudaheed. Waxaana la sheegay in uu dagay kadib markii lagu sanceeyay dawooyinka xinjirowga.

Atul, oo ah muwaadin Mareykan ah oo cilmiga caafimaadka ku bartay London, ayaa sheegay in waayo-aragnimadan kadib, uu doonayay in uu sii wato xirfaddiisa dhinaca caafimaadka ah.

Atul iyo waalidkii ayaa markaas la kulmay shaqaalihii isbitaalka oo naftiisa badbaadiyay.

Isbitaalka Hammersmith, oo markii hore Atul lagu daweeyay ka hor inta aan loo gudbin St Thomas’ Hospital, ayaa lagu tusay aagga sariirta oo wadnihiisa uu bilaabay inuu dhowr jeer istaago, wuxuuna kala sheekeystay sida saxda ah ee wax u dhaceen.