Ardayad da’deedu tahay 99 jir ah oo dugsiga hoose dhigata oo ku geeriyootay kenya

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haweeney 99 jir ah oo la rumeysan yahay in ay tahay ardaygii ugu da’da weynaa ee dhigta dugsiga hoose ayaa ku geeriyootay gurigeeda ooku yaalla dalka Kenya.

Haweeneyda oo la yiraahdo Priscilla Sitienei ayaa xanuunka ay u dhimatay uu ku bilowday iyadoo fasalka fadhida maalinimadii Arbacada.

Iyada iyo ardayda ay isku fasalka ahaayeen ee 12 jirada ah ayaa diyaarinayey imtixaanka kama dambeysta ah oo bilaabanaya toddobaadka dambe.

Sheekada Ms Sitienei’s ayaa keentay in lagu fekero in laga sameeyo filim iyo ammaan ka timid Hay’adda Dhaqanka iyo Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco .

Waxay ku soo kortay dalka Kenya oo Ingiriisku qabsaday waxayna ku dhex nooleyd halgankii dalkeeda uu u galay madaxbannaanida .