Ardey dhameysay Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya oo soo bandhigay hal abuur cusub.

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hal abuurkan cusub oo ay hindiseen dhallinyaradan oo sannadkan dhameeyay kuliyadda macluumaadka Tiknolojiyadda ama IT-ga ee jaamacadda caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan ayaa soo bandhigay saddex hindise oo cusub kuwaasoo kala ah qaab fudud oo lagu waraabin karo beeraha, bakoorad loogu talo galay dadka baahiyaha gaarka qaba taasoo marka qof kale u soo dhamaado dhawaaqeysa iyo qaabka loo sameeyo bakinka baabuurta iyadoo la adeegsanayo Tiknolojiyadda casriga.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen