Ardey doonaya 30 magaalo inuu ku nadiifiyo 30 maalmood

0
125

Baladweyne(Radio Beerlula)-Arday aasaasay koox ururisa qashinka, ayaa qorshaynaya in 30 maalmood gudahood uu socdaal ku tago 30 magaalo, kuwaasoo ku yaalla Ingiriiska, si uu ula dagaalamo isbeddelka cimilada.

Vivek Gurav, ayaa waxa uu ururiyaa qashinka, waxa uu soo guray 5,000 oo kilo oo qashin ah, intii uu ku maqnaa magaalada Bristol.

Gurav, oo 26 jir ah, ayaa yiri: “Waxaan rabaa in aan sameeyo koox bulsho ah oo UK oo dhan ah ka hawl gasha.

Waxa uu intaa ku daray inuu doonayo in uu dadka ku dhiiri geliyo si ay u “abuurtaan kooxo iyaga u gaar ah”.

Gurav oo sanadkii hore u yimi magaalada Bristol si uu wax ugu barto cilmiga siyaasada deegaanka iyo maamulka, ayaa markii u horaysay ka bilaabay magaalada uu kasoo jeedo ee Pune ee dalka Hindiya, olole uu koox bulsho oo isku xiran ku samaynayo.

Afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxey gaareen hawlaha uu qabto masaafo gaareysa 420 mayl (675km), oo qashinka lagu guray.