Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay munaasabad shahadooyin lagu gudoonsiinayay arday baratay cilmiga computer-ka islamarkana ka aflaxday machadka tababarada iyo tiknoolijiyadda ee Buundo.
Munaasabadda ardayda shahadooyinka lagu gudoonsiinayay ayaa waxaa ka qeyb-galay hogaanka machadka Buundo,masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,bahda waxbarashada Magaalada Jowhar,walidiin iyo ardayda qalin jibisay.
Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.
Audio Player