Ardeyda Baladweyne oo isku diyaarinaya imtixaanka qaranka iyo kan Hirshabeelle.

0
123

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda diyaar garow ay wadan ardeyda sannadkan ka qeyb galeysa imtixaanka qaranka ee dugsiga sare ee ay qaado wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kan dugsiga dhexe ee ay qaado wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle kadib markii dhawaan dib loo furay iskuullada magaalada oo ay sameysay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.

Goobaha waxbarashada ee Magaalada Baladweyn oo xirnaa muddo ku dhow 24 maalmood ayaa hadda dib u bilaabay cashiradii la siin jiray ardeyda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.