Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo lagu qabtay banaanbax lagu tageerayo go’aankii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku joojisay imtixaankii qaran ee ka socday dalka.
Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay ardeyda ka qeyb galeysay imtixaanka qaran kuwaasoo tageeray go’aanka wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre uu ku joojiyay imtixaanka kadib markii qish fara badan ay heleen ardeyda.
Qaar ka mid ah ardeyda ka qeyb galay banaanbaxan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la joojiyo islamarkana mar kale ay diyaar u yihiin inay ka qeyb galan imtixaanka.
Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.