Argentina Oo Ku Guuleysatay Copa America Xilli Lautara Martinez Uu Guul Xilli Dambe Ah Gaarsiiyay.

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xulka qaranka Argentina ayaa difaacday Copa America kadib markii ay 1-0 ku garaacen xulka Colombia.

Gool uu xilli dambe dhaliyay Lautaro Martinez ayaa ku filnaaday inay Argentina ay hanato koobka.

Ciyaar lesku xiiqay oo lesku daalay ayaa dhexmartay labada xul, iyadoo xulka Colombia ay ahayd xulka fiicna ee maamulayay ciyaarta.

Messi ayaa qeybta labaad ee ciyaarta dhaawac uga baxay kadib markii uu canqowga jug ka gaaray qeeybtii 1aad ee ciyaarta.

90kii daqiiqo ee ciyaarta way is mari waayen taaso keentay in waqti dheeri ah lagu daro.

Argentina ayaana sidaasi ku qaaday Copa America.

Tababare Scaloni ayaa Argentina u qaaday koobkiisii 4aad.