Argentina Vs Maxico

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)- Argentina ayaa kulankaan galeysaa iyadoo ka carareysa taariikh liidata oo looga diiwaan giliyo koobka aduunka ka dib guuldaradii  kulankii hore .

Xogta Kulanka

Argentina wax guul darro ah kalama kulmin Maxico 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada , 7 jeer waa badiyeen halka sedexna galeen bar bar dhac , waxaana guul darro ay kala kulmaan Maxico ugu dambeesay  2004-tii  waxaana la joogay Copa America xilligaas oo looga badiyay hal gool.

Maxico ayaa laga badiyay sedexdii kulan ee koobka aduunka ee ay la yeesheen Argentina

Guuldaradii Argentina ee Sacuudiga waxa ay soo afartay 13 kulan oo xariir ah oo koobka aduunka ah oo aysan guul darro kala kulmin qaran aan aheyn yurub, dhacadaasna waxaa ugu dambeesay 1990-kii  waxa ayan waqtigaas ku hor kufeen Cameroon  balse ma dhicin in sedex jeer ay arintaas qabsato.

Argentina waxa ay guul dareysteen 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeysay koobka aduunka , hal badis iyo mid bar bar dhac ah ayay wataan

Haddii Argentina guul darro  la kulmaan kulankooda labaad koobka aduunka  waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeysay taariikhda ee ay guul dareystaan labadooda kulan ee ugu horeeya koobka aduunka