Argentina Vs Poland

0
200

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulan xiiso leh ayuu noqonayaa marka Messi iyo Lewandowski caawa iska hor yimaadaan , xilli labada qaran markii sedexaad ku kulmayaan koobka aduunka

Xogta Kulanka

Kulankaan waa kii seddexaad ee FIFA World Cup oo ay ku kulmaan Poland iyo Argentina – Poland ayaa 3-2 ku badisay 1974tii, halka Argentina ay 2-0 ku badisay xilli ay ku guuleysteen koobka markii ugu horeysay 1978dii.Kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee nooc kasta ah oo dhexmara Poland iyo Argentina tan iyo ciyaar saaxiibtinimo bishii June 2011, kooxda Yurub ayaa ku badisay 2-1.

Ka dib markii ay badiyeen afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu horeysay ee Koobka Adduunka ee ay la ciyaaraan kooxaha South America (3 guul darro), Poland ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartanka iyagoo aan wax gool ah dhalin.

Argentina ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka ee ay la ciyaareen xulalka Yurub, iyadoo guuldarooyinkan ay kala kulmeen Croatia (0-3) iyo France (3-4) 2018,Waligood lagama badin seddex kulan oo isku xigta oo koobka adduunka ah oo ay la ciyaareen kooxaha Yurub hadda ka hor.