Arkadiusz Milik oo ku biiraya Juventus.

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda reer France ee Olympique Marseille ayaa ku dhawaaqday inuu ka tagayo weeraryahanka reer Poland ee Arkadiusz Milik, kaasoo ku biiray Juventus suuqan xagaaga.

Kooxda Marseille ayaa ku soo qortay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka:

“Milik wuxuu ku bixi doonaa heshiis amaah ah isaga oo heysta dookh uu si toos ah ugu biiri karo Juventus… Waad ku mahadsan tahay wax walba, waxaana kuu rajeyneynaa guul.”

Sida laga soo xigtay wargeysyada, Arkadiusz Milik ayaa ugu biiraya Juventus hal xilli ciyaareed amaah ah oo ku kacaya laba million euros, iyada oo heshiiska mid joogta ah looga dhigi karo 8 million euros.

28-sano jirkaan ayaa ka qeyb galay 93 kulan oo Seri A ah 3 sano iyo bar uu ku ciyaarayay maaliyada Napoli, isagoo dhaliyay 38 gool.

Waxaa xusid mudan in 18-kii bilood ee uu Arkadiusz Milik ku ciyaarayay maaliyada Marseille uu ku guuleystay inuu dhaliyo 30 gool 55 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.