Baledweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa warbixin ka bixiyay xaalada Trent Alexander-Arnold kaddib markii uu garoonka ka baxay intii lagu jiray guushii ay ka gaareen Bournemouth.
Alexander-Arnold ayaa la bedelay daqiiqaddii 70-aad ee kulankii ay Liverpool 2-0 ku garaacday Bournemouth Sabtidii. Daafaca ayaa u muuqday inuu dhibaato ka qabay muruqa bowdada, isagoo u sheegay shaqaalaha keydka inuusan sii wadi karin ciyaarta.
Sida laga soo xigtay The Athletic, xiddiga Liverpool ayaa haatan mari doona baaritaan si loo ogaado sida uu dhaawaciisu u daran yahay. Tababare Slot ayaa ciyaarta kaddib sheegay iney macquul tahay in Alexander-Arnold seego kulanka Liverpool ay la ciyaari doonto Tottenham wareega afar-dhamaadka ee Carabao Cup.
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay: “Xaaladdu waxay ahayd inuu ii sheegay, ‘Waa inaad i beddeshaa’ kaddibna uu dhulka fariistay, markaas ayaannu bedelnay. Wuxuu dareemay wax, balse ma sheegi karo waxa saxda ah iyo sida ay u daran tahay, waayo wakhti kooban kaliya ayaa laga joogaa dhamaadka ciyaarta. Laakiin had iyo jeer calaamad wanaagsan ma aha marka ciyaaryahan iskii u weydiisto in la beddelo. Tani ma aha xaqiiq la hubo, laakiin waan la yaabi lahaa haddii uu ciyaaro Khamiista, inkastoo aan rajeynayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dib noogu soo laabto.”