Booliska Hindiya ayaa sheegay in haweeney dhuumatay ka dib markii ninkeedi sixun loo diley hadda gacanta lagu hayo ka gadaal markii ay hay’adaha amniga isku soo dhiibtey.
Baladweyne (Radio Beerlula)- Labada reerood ee lammaanaha ayaa maleeyey in aroosadda la diley ama la afduubtay, ka dibna waxay billaabeen in aad qaadaan olole ballaaran oo lagu baadi-goobayo.
Booliska ayaa hadda aaminsan in Sonam Raghuvanshi oo 25 sano jir ah iyadu ka dambeysey dilka saygeeda, ka dib markii ay rag u kireysatay kaasoo lagu magacaabi jirey Raja oo 30 sano jir ahaa, intii ay ku jireen safar ay ugu ambabaxeen gobolka ku yaal waqooyiga galbeed ee Meghalaya.
Afar nin ayaa loo xiray dilka Raja.
Devi Singh oo ah aabbaha Sonam ayaa difaacay gabadhiisa, wuxuuna sheegay “in gabadhiisu ay ceeb ka saliim tahay, dambiga wax laga saarayana uusan marna ka suurtoobin”.
Lammaanaha cusub wuxuu arooskoodu ka dhacay Indore oo ka tirsan gobolka bartamaha Hindiya ku yaal ee Madhya Pradesh 11-kii May, ka dibna waxay doorteen in ay bisha malabka ku soo qaataan gobolka Meghalaya, maadaama loo sheegay in uu leyahay “dooxooyin qurxoon leeyahay oo dalxiiiska ku habboon.


