Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u dhaqaaqday saxeexa xiddig uu qorshaha ku darsaday tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo doonayay in uu safkiisa kusoo xoojiyo xagaaga, waana xiddiga lagu tilmaamo ‘New Luke Modric’ ee aanu hore xogtiisa idiinku soo gudbinay in ay Liverpool doonayso.
Tababare Mikel Arteta oo ay kooxdiisu si weyn u doonayso Declan Rice, ayaa la sheegay in ay dareemayaan xumadda tartan adag oo ay kula jiraan kooxaha Manchester United iyo Chelsea, iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in uu ka tegayo Granit Xhaka oo la sheegay in uu heshiis afar sannadood ah la gaadhay Bayer Leverkusen.
Gunners oo kaalinta labaad kaga dhamaysanaysa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, dibna ugu soo noqonaysa tartanka Champions League oo ay muddo lix sannadood ah ka maqnaayeen, ayaa waxa kale oo walaac ku haya dhaawacyada Thomas Partey oo ah qalbiga kooxda ee waardiyeeya difaacyahannada, kaas oo beddelkiisa ay hore uga dhigeen Jorginho.
Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa sheegay, in Arsenal ay go’aansatay in ay Liverpool kula tartanto saxeexa kabtanka iyo halbowlaha khadka dhexe ee kooxda Feyenoord ee waddanka Netherlands ee Orkun Kokcu oo u dhashay waddanka Tukey.
22 jirkan oo 45 kulan noo xilli ciyaareedkan uu saftay dhaliyey 12 gool, ayaa waxa muddo dheer daba socotay Benfirca oo doonaysay in ay la saxeexato, haase yeeshee waxa hadda u muuqda in midkood ay calfanayso Arsenal iyo Liverpool.