Arsenal oo dib ula wareegtay hoggaanka Premier League

0
10

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa dib ula wareegtay hoggaanka Premier League kaddib markii 0-3 ay kaga soo adkaatay kooxda Brentford oo ay booqatay, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Ingiriiska ee toddobaadkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Daqiiqadii 17-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay William Saliba, waxaana ka caawiyay Bukayo Saka.

28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Gabriel Jesus oo ay caawin kara timid saaxiibkiis Xhaka ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Arsenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Arsenal ayaa dheereysatay hoggaaminta ciyaarta iyadoo uu 0-3 ka dhigay xiddigooda Fábio Vieira waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis  Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Brentford oo ay booqatay, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Premier League, iyada oo leh 18 dhibcood, hal dhibic ayey ka sareysaa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Manchester City.