Arsenal oo garoonkeeda Emirates guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Tottenham ah

0
166

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa garoonka Emirates guul ay u qalantay kaga gaartay 10 xiddig oo kooxda Tottenham ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Arsenal iyo Tottenham Hotspur ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 20-aad kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thomas Partey kaddib markii uu ka caawiyay Ben White.

Laakiin 31 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Tottenham Hotspur ayaa loo dhigay rigoore, waxaana barbardhac 1-1 ka dhigay Harry Kane.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Arsenal ayaa markale hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana u dhiibay weeraryahankooda reer Brazil ee Gabriel Jesus.

67 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Xhaka oo a caawin kaga timid Martinelli ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa kaddib guushan waxay wali hoggaamineysaa kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna uruursatay 21 dhibcood.