Arsenal Oo Gudbisay Liiska 25keeda Xiddiga Ee U Ciyaaraha Horyaalka Premier League

0
79

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal waxay gudbisay liiska ciyaartoydeeda u dheelaysa horyaalka Premier League qaybtiisa hore ee xilli-ciyaareedkan 2023/24, sida uu dhigayo sharciga Premier League.

Dhamaan 20ka kooxood ee Premier League ayaa gudbiyey liiska ciyaartoydooda, waxaana uu Mikel Arteta soo saaray liiska 25ka ciyaartoy ee kooxdiisa koowaad, kuwaas oo ka kooban 17 ciyaartoy oo ajaanib ah iyo siddeed kale oo u dhashay waddanka ama ku dhax koray.

Sida uu dhigayo sharcigu, ciyaartoyda ku kortay ama u dhalatay gudaha waddanka, waxa kaliya looga baahan yahay in laga diiwaangeliyo xidhiidhka FA ee Ingiriiska ama xidhiidhka Wales, balse waa ka hor inta aanay da’doodu gaadhin 21 jirka.

 

William Saliba, Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli ayaa dhamaantood lagu daray liiska ciyaartoyda kooxda koowaad, iyaga oo xilli-ciyaareedkii hore ku jiray ciyaartoyda da’yarta ee U21. Waxa sidoo kale kooxda koowaad ku jira saxeexyada cusub ee Kai Havertz, Declan Rice iyo David Raya.

 

 

Jurrien Timber oo dhaawac looga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee Champiosn League ayaa lagu soo daray xiddigaha Premier League, waxaana sidoo kale ku jira Cedric Soares iyo James Willson.

 

Liiska ciyaartoyda Arsenal u gudbisay Premier Leag

Mohamed Elneny, Kai Havertz, James Hillson*, Gabriel Jesus, Jorginho, Jakub Kiwior, Gabriel Magalhaes, Gabriel Martinelli*, Reiss Nelson*, Eddie Nketiah*, Martin Odegaard, Thomas Partey, Aaron Ramsdale*, David Raya*, Declan Rice*, Bukayo Saka*, William Saliba*, Emile Smith Rowe*, Cedric Soares, Jurrien Timber, Takehiro Tomiyasu, Leandro Trossard, Fabio Vieira, Ben White*, Oleksandr Zinchenko.

 

Liiska ciyaartoyda da’doodu ka hoosayso 21 jirrada

 

Bless Akolbire, Miguel Azeez, Mauro Bandeira, Omari Benjamin, Mika Biereth, Luis Brown, Nathan Butler-Oyedeji, Dan Casey, Catalin Cirjan, Reece Clairmont, Noah Cooper, Louie Copley, Amario Cozier-Duberry, Henry Davies, Harrison Dudziak, Khayon Edwards, Ovie Ejeheri, Seb Ferdinand, Jakai Fisher, Taylor Foran, Romari Forde, Jimi Gower, Hubert Graczyk, Ayden Heaven, Karl Hein, Jack Henry-Francis.

Bradley Ibrahim, Cam’ron Ismail, Henry Jeffcott, Ismeal Kabia, Maldini Kacurri, Osman Kamara, Alex Kirk, Max Kuczynski, Myles Lewis-Skelly, Marquinhos, Zane Monlouis, Josh Nichols, Brooke Norton-Cuffy, Ethan Nwaneri, Brian Okonkwo, Ismail Oulad M’Hand, Salah-Eddine Oulad M’Hand.

Daniel Oyetunde, Charlie Patino, Elian Quesada-Thorn, Josh Robinson, Alexei Rojas Fedorushchenko, Michal Rosiak, Kamarni Ryan, Charles Sagoe Jr, Zac Shuaib, Coby Small, Lino Sousa, William Sweet, Kido Taylor-Hart, Billy Vigar