Arsenal Oo Guul-darro Ay Kala Kulantay Newcastle Ugu Dhacday Kaalinta 3aad Ee Premier League

0
136

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa guul-darro xanuun kulul u xambaarisay Arsenal oomarti ugu ahayd St. James’ Park, waxaanay ku garaacday oo ay dhibcaha kaga qaadatay gool madi ah oo uu dhaliyey Anthony Gordon oo saddexda dhibcood u go’aamiyey naadigiisa.

Ciyaar buux badan uu ka dhashay oo ay Arsenal nasiib ku lahayd in qaybtii hore casaan laga daayey Kai Havertz oo qalad xun sameeyey, ayaa waxa sidoo kale ay dood ka dhalatay goolka labada kooxood kala saaray oo muddo saddex daqiiqadood ah lagu jiray hubintiisa oo ay VAR dhawr arrimood ka hubisay, sida inay kubaddu ka baxday garoonka, in Gordon iyo Joelinton ay offside ku jireen iyo arrinta kale oo ahayd in qalad lagu galay William Saliba.

Arsenal oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta oo inta badan kubadda daadahaynaysay ayaa ka liigaysay afka hore oo awoodi waayey inay galaan xerada ganaaxa, inkasta oo Nketiah afar jeer oo uu kubadda ku taabtay xerada ganaaxa uu awoodi waayey inuu khatar abuuro.

Raya ayaa badbaadiyey kubbad uu meel dhow kaga toogtay Gordon qaybtii hore, sidoo kalena Martinelli ayaa laad uu sameeyey waxa uu ku beegay Pope oo si fudud ugu raaxaystay qabashadeeda.

Daqiiqaddii 37aad ayay ciyaartu murug gashay markii uu Kai Havertz qalad xun sameeyey, waxaana uu garsooraha ciyaartu kaliya kaadh digniin ah siiyey, waxaana ka cadhooday ciyaartoyda Newcastle oo ku buuqay garsooraha taas oo sababtay in kaadhadh digniin ah la siiyo Gordon, Longstaff iyo Schar.

45ka daqiiqadood ee hore oo ay labada kooxood ku dhamaysteen bandhig aanu midkoodna ku qanacsanayn ayaa waxa lagu soo noqday qaybta labaad oo ay si adag ugu xafiiltameen labada kooxood, waxaana uu waqtigu saaciday Newcastle United oo ka faa’iidaysatay mid ka mid ah fursadaheeda.

Daqiiqaddii 64aad ayay Newcastle United dhalisay kubbad uu kasoo shaqeeyey Joelinton oo uu u dhiibay Anthony Gordon oo goolka oo madhan ku leexiyey, iyadoo muddo saddex daqiiqadood ah kubaddan la hubinayay, ugu dambayntiina la fasaxay.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ayay Arsenal dedaal badan samaysay, waxaanay dhawr jeer kubbado ku toogatay goolka balse ciyaartoyda awoodda jidheed iyo dhererka leh ee Newcastle United ayaa iska difaacay koorneyaashiisa iyo toogashooyinkii Gunners.