Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda PSG ayaa Arsenal ku dhex garaacday Emirates kulan ka tirsanaa Lugta Hore ee champions League.
Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo koox walba doonaysay in ay dhaliso goolka 1-aad.
Kooxda PSG ayaa ka naxsatay Arsenal waxana goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Dembélé kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.
Arsenal ayaa dadaal u samysay sidii ay u dhalin lahayd bar-baraha laakiin uma suurtagalin.
Xiddiga Merino ayaa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa l Diiday sabab la xidhiidha Offside.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda PSG.