Arsenal Oo Iska iibinaysa Thomas Partey

0
96

Baladweyne (Radio Beerlula)-kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in at iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Thomas partey inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay iska iibiso xiddiga reer Ghana si ay lacagtiisa ugula soo wareegto xiddigo kale oo khadka dhexe ah.

Isla Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay iska iibiso partey si ay badalkiisa ugu dhaqaaqdo xiddiga Southampton ee Romeo Lavia.

Arsenal ayaa tartanka saxiixa Lavia kula biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool kuwaas io xiiso u qaba saxiixiisa.